Soomaaliya oo codsatay in baaritaan lagu sameeyo geerida muwaadiniin Soomaali ku dhimatay Turkiga

Qoraal ka soo baxay wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowlad Soomaaliya ay ka codsanayso wadamada caalamka iyo ha’yadaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga in baaritaan lagu sameeyo Soomaali ku dhimatay xadka kala qeybiya dalalka Turkiga iyo Giriigga.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si weyn uga xumaatay dhacdadii naxdinta lahayd ee soo gaartay shaqsiyaadkii dhintay ee la aasay todobaadkan.”ayaa lagu yiri qoraalka.
Qoraalka ayaa lagu shaaciyay magacyada shan ruux oo dhammaantood rag oo ka mid ahaa dadkii ku dhintey xadka kala qeybiya Turkiga iyo Giriigga.

1. Cabdi Mahdi Cali
2. Yaxye Jamaal Muumin
3. Abuubakar Axmed Ibraahim
4. Naasir Sulemaan Xasan
5. iyo Najax Cabdi Axmed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More