Maalinta Koowaad ee Shirka Wadatashiga Qaran oo la soo gabagabeeyay

Waxaa soo gabagaboobay maalinkii koowaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka ee ka Teendhada Afisiyoone ee magaalada Muqdisho ayaa la soo gabagabeeyay.

Shirka oo uu gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Madaxweynayaasha Shanta dowlad Goboleed & Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, waxana looga hadlay sidii loo wajihii xalka gaarista Arrrimaha doorashooyinka.

Madaxda shirka ka qeyb gashay ayaa wararka ay sheegayaan inay gaareen isfaham,balse la sii ambaqaadi doono shirka maalinta berito oo Axad ah.

Shirkan oo hore loogu qorsheeyay inuu furmo Khamiistii aynuka soo gudubnay ayaa waxa uu dib ugu dhacay qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada oo aan soo gaarin caasimada dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More