Macron oo madaxweynaha Shiinaha ka dalbaday soo afjarida dagaalka Ukraine

Apr. 07 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku dhiirigeliyey madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, isaga oo isticmaalaya xidhiidhka wanaagsan ee kala dhexeeya dalka Ruushka, inuu gacan ka geysto soo afjaridda dagaalka Ruushka ee Ukraine.

Macron oo ku sugan Shiinaha ayaa madaxweyne Xi Jinping u sheegay in gardarrada Ruushka ee Ukraine inay waxyeello u geystay xasiloonida caalamka.

“Waan ogahay inaan ku kalsoonaan karo inaad Ruushka ku soo celin karto inuu si saxan u fekero, iyo weliba in qof waliba uu dib ugu soo laabto miiska wadahadalka” ayuu yidhi Macron.

Madaxweynaha Shiinaha oo hareer taagan madaxweynaha Faransiiska, ayaa u sheegay saxafiyiinta in “iyaga iyo Faransiisku, ay ku baaqayaan is xakamayn iyo caqliyad” in lagu xalliyo colaadda socotay 14-ka bilood, isaga oo intaas ku daray in Shiinuhu uu raadinayey “in si degdeg ah loogo soo laabto wadahadaladii nabadeed si loo xalliyo xiisadda siyaasadeed”

Hoggaamiyaha Shiinaha ayaa sheegay in xukuumaddiisu “ay ku baaqayso in la ilaaliyo dadka rayidka ah. Inaan marna la isticmaalin hubka nukliyeerka, isla markaana laga fogaado inuu qarxo dagaal la isu adeegsado hubka nukliyeerku.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More