Ciidamo ka wada tirsan Shabaab oo dagaal ku dhexmaray gobolka Galgaduud

Apr. 07 (Jowhar.com)-Dagaal yahano kawada tirsan kooxda Al-Shabaab oo laba garab u kala baxday ayaa dagaal culus ku dhexmaray deegaanka Bidde Ciise oo ka mid ah deegaanada hoostago degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan oo dhaliyay khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh uu ka dhashay muran salka ku haya in la dhameystiro dhaawacyo badan oo Shabaab ah, taasoo ay diideen garab kamid ah dhinacyada dagaalka uu u dhexeeyo.

Dhaawacyadan ayaa waxyeelo kasoo gaartay dagaalkii u danbeeyay ee Shabaab iyo ciidanka dowladda ku dhexmaray degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, iyadoo koox Shabaab ah ay soo jeediyeen in la dhameyatiro dhaawacyada, sida ay tabisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

“ilaa 3 horjooge ayaa la dilay sidoo kale waxaa dhaawac noqday 10 khawaarij. Waaxqna sidoo kale Khawaarijtu ay deegaanka Cowswayne ee Degmada Ceeldheer ku xir xirtay inta badan odayaashii la shaqeyn jiray ee qeybta ka ahaa dhibaateynta dadka ku nool degmada Ceeldheer iyo Deegaanada hoostago” ayaa lagu yiri qoraalka lagu baahiyay warbaahinta Qaranka.

Majirto wax war ah oo ay arrintan kasoo saartay kooxda Al-Shabaab, iyadoo dagaalkan uu kusoo beegmay xili uu bilowday wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More