Madaxii kooxda Wagner oo la xaqiijiyay inuu ku dhintey diyaaradii burburtey

Aug 27 (Jowhar.com)-Madaxii kooxda Calooshood u Shaqeystayaasha Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa la xaqiijiyay in uu dhintay ka dib markii la baaray hidde-sidaha meydadka laga helay shilkii diyaaradeed ee Arbacadii, sida ay sheegeen saraakiisha Ruushka.

Guddiga dambi baarista Ruushka ayaa sheegay in aqoonsiga dhammaan 10-ka dhibane la sameeyay oo u dhigma kuwa ku jira liiska rakaabka diyaaradda.

Diyaarada gaarka ah ee Prigozhin ayaa ku soo dhacday waqooyi-galbeed ee Moscow 25kii Agoosto, iyadoo dishay dhammaan dadkii la socday.

Kremlin-ka ayaa diiday wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya inay sabab u tahay shilkan.SK ayaa sheegay in ay sii wadayaan baaritaanka dambiyada.

“Sida ku cad natiijooyinka, aqoonsiga dhammaan 10-ka qof ee dhintay ayaa la sameeyay, waxayna u dhigmaan liiska lagu daabacay qoraallada duulimaadka.”ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen kooxda baareysay burburka diyaarada.

Dadka ku dhintey burburka diyaarada ayaa waxaa ka mid ahaa madax sarsare oo ka tirsan koxoda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner oo ku lug lahaa howlgallada militari ee Ukraine, Suuriya iyo qaybo ka mid ah Afrika.

Waxaa ka mid ahaa saraakiisha ku dhintey shilka Dmitry Utkin, oo maamuli jiray hawlgallada milatari ee Wagner iyo Valery Chekalov, Sergei Propustin, Yevgeny Makaryan, Alexander Totmin iyo Nikolay Matuseyev.

Diyaarada ayaa waxaa waday duuliye Alexei Levshin iyo kaaliyihii duuliyaha ee Rustam Karimov, waxaana saarnaa hal qof oo ka mid ah shaqaalaha diyaarada oo lagu magacaabo Kristina Raspopova.

Shilkan ayaa yimid laba bilood ka dib markii Prigozhin uu hogaaminayay kacdoon ka dhanka ahaa ciidamada qalabka sida ee Ruushka, isagoo qabsaday koonfurta magaalada Rostov kuna hanjabay inuu socod ku tagi doono Moscow.

Ismariwaaga ayaa la damiyay ka dib markii heshiis la gaaray kaas oo horseeday in Prigozhin iyo dagaalyahanada Wagner ay u guuraan Belarus.

Si kastaba ha ahaatee,madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku tilmaamay gaf loo geystey qaranimada dalkiisa, waxaana la isla dhex marayey in ciidamada ammaanka Ruushka ay si uun ugu lug lahaayeen shilkan.

Saraakiil Mareykan ah oo uu soo xigtay CBS ayaa sheegay in sababta ugu badan ee burburka diyaaradda ay tahay qarax ka dhashay diyaaradda, Pentagon-ka ayaa sheegtay in Prigozhin ay u badan tahay inuu dhintay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More