Madaxtooyada Soomaaliya oo qarisay qodobkii ugu cuslaa ee ka wada hadleen Xasan sheekh iyo Siisi.

July 25 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Masar Abdelfatah Sisi ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ka wada hadleen arrinta biyo xireenka Wabiga Nile ee Itoobiya, waxaana ay soo bandhigeen khatarta ay leedahay siyaasadda halka dhinac marka la fulinayo mashaariicda wabiyada isaga gudba xuduudaha.

“Waxaan ku heshiinay khatarta ay leedahay siyaasadaha halka dhinac ah ee ku aaddan hirgelinta mashruucyada la xiriira webiyada caalamiga ah iyo sida ay lama-huraan u tahay inuu jiro iskaashi iyo wadatashi dhexmara dowladaha uu wabigu maro, si loo dammaanad qaado in aanay dhibaato soo gaarin mid kamida dowladahaa, arrinkaasuna waa mid la jaanqaadaya xeerarka qaanuunka dowliga ah ee la xiriira arrinkaa.

Sidaa darteed waxaa lamahuraan ah in si dhaqso ah loo gaaro heshiis ku salaysan sharci, fulintiisuna ay tahay qasab marka ay timaaddo buuxinta iyo howlgelinta biyoxireenka, taasoo ah sida waafaqsan bayaan madaxeedkii ka soo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadkii 2021, taasoo looga jeedo ilaalinta amniga iyo xasiloonida gobolka” ayuu yiri Madaxweyne Siisi.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan xusin in labada madaxweyne ay isla soo qaadeen arrinta biyaha wabiga Nile oo eheyd qodobkii ugu adkaa ee labada dhinac, maadaama arrintaasi ay saameyneyso dowladda Itoobiya.

Si kastaba, Itoobiya iyo Masar ayaa u dhaxeeya muran ku saabsan biyo xireenka Wabiga Nile ee ay dhisatay Itoobiya, waxaana horay dowladdii Madaxweyne Farmaajo ula safhoatay dowladda Itoobiya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More