Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in dagaal yahano Ajaanib ah lagu dilay dagaalkii Baxdo.

June 18 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa ku bogaadiyay maamulka, shacabka iyo culimada degmada Baxdo, ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida, sida geesinimada leh oo ay shalay isaga difaaceen weerarkii ay Shabaab kusoo qaaday degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Galmudug ayaa ku ammaantay Ciidamada qalabka sida, maamulka iyo shacabka degmada Baxdo sida feejignaanta leh oo ay uga hortageen dhagar qabayaasha oo xogtooda la sii hayay, halkaasna ay kala kulmeen dharbaaxo, kagana carareen maydad gaaraya 70 oo ay kamid yihiin sedex ajaanib ah, hub iyo saanad fara badan iyo gaari ay ku diyaariyeen walxaha qarxa oo lala damacsanaa in lagu wax yeeleeyo shacabka degmada Baxdo.

Madaxtooyqda Galmudug waxa ay xaqiijsay in weerarka kadib, Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida ay ka howlgaleen deeganada hoos taga degmada Baxdo oo ay ku baacsadeen haraadiga Shabaab ee weerarka soo qaaday, iyagoona halkaas ugu dhigay cashar lama ilaawaan ah.

Galmudug waxa ay ku tilmaamtay dagaalkii shalay lagu jabiyay Shabaab, mid taariikhi ah, ayna mudantahay in geesinimada ay muujiyeen reer Baxdo in ay kaga tusaale qaataan shacabka Galmudug iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii, madaxweynaha Galmudug, waxa uu Eebbe uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo intii ku dhaawacantay, janadii Firdowsana ka waraabiyo intii ku geeriyootay dagaalkii aroortii hore ee Jimcihii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More