Madaxweynaha Galmudug Qoor-qoor iyo ku xigeenkiisa oo uu khilaaf soo dhex galay

Sep 06 (Jowhar.com)-Ammaro is khilaafsan oo ka soo kala baxay xafiisaka madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid.

Warqad ka soo baxday madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa shaqada looga joojiyay wasiirka arimaha gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac “Waayeel”ka dib markii lagu edeeyay in uu xagal daaciyay dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab,Waxaana isla qoraalkaas lagu sheegay in xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug uu sii hayn doono Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Galmudug loogu magacaabay Cumar Maxamed Diiriye.

Hase yeeshee Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa buriyay oo waxba kama jiraan ka soo qaaday warqadan ka soo baxday xafiiska madaxweyne kuxigeenka Galmudug ee shaqada looga joojiyay wasiirka arrimaha gudaha Galmudug.

“Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa buriyay waraaqda kasoo baxday Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ee shaqada looga joojiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Dowladda Galmudug mudane, Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel).”ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigey barta Facebook ee Madaxtooyada Galmudug.

“Tallaabadan ayaa gabi ahaanba kasoo horjeeda Dastuurka Galmudug, lidna ku ah awoodaha Dastuurku siinayo madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa cadeeyay in maamulka degmada Cabudwaaq aysan waxba iska badalin sida uu qabo sharciga dowladaha hoose ee Dowladda Galmudug

Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha amniga iyo garsoorka inay waajibkooda ka gutaan cidkasta oo wax u dhibta amniga iyo xasiloonida degmada Cabudwaaq.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More