Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay saraakiil Maraykan ah

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa kula kulmay magaalada Kismaayo Sarakiisha Ciidamada Mareykanka ee ka howlagala Jubbaland.

Kulankan ayaa loogaga hadlayay sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyadoo iskaashi buuuxa laga samaynayo sidii loo dardar galin lahaa howlgalada ka dhanka ah Argagixisada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa kulankan ku wehelinayay saraakil ay ka mid ahaayeen Sareeye guuto Maxamed Cabdi Sheekh Taliyaha guud ee Ciidamada Jubaland iyo Gaashanle sare Maxamed Guuleed Xasan Taliye ku xigeenka Ciidamada Jubbaland.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More