Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo kulan la leh Musharaxiinta

Madaxweynayaasha Puntland Saciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xilligan shir la leh Midowga Musharaxiinta Mucaaradka, iyadoo shirkan uu ka socdo xerada Xalane ee xeyndaabka garoonka diyaaradaha, halkaasoo ay degan yihiin labada Madaxweyne Dowlad Goboleed.

Wararka ayaa sheegaya in shirarkan ay qeyb ka yihiin shirar gaar gaar ah oo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ka bilaabeen Muqdisho, tan iyo markii ay yimaadeen, iyagoo dhageysanaya tallooyinka iyo fikradaha Musharaxiinta iyo dhinacyada kale ee siyaasadda.

Shirkan ayaa looga hadlayaa arrimaha doorashada, xiisadihii ka dhacay magaalada 19 February iyo sidii caqabadaha ka jira doorashada xal looga gaari lahaa.

Arrimaha ugu weyn ee shirka looga hadlayo ayaa ka mid ah amniga doorashada oo tan iyo wixii ka dambeeya wixii dhacay 19 Febraayo ay keentay kalsooni darro, taasoo sabab u noqotay in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland shuruud ku xiraan ka qeyb galka shirka Muqdisho, ayna dalbadaan in meel amni ah shirka lagu qabto oo ay sugto AMISOM.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More