Madaxweyne Xasan oo furay Shirka wadatashiga madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ee magaalada Muqdisho

July. 12 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay shir wadatashi ah oo uu la qaadanayo Madaxdii Hore iyo siyaasiyiinta dalka.

Sida Villa Soomaaliya ay shaacisay, shirka waxaa lagu gorfaynayaa xaaladda dalka, amniga, ciribtirka Shabaab, dib u eegista dastuurka, dimuqoraadiyeynta iyo doorashooyinka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ogolaaday in lagala doodo oo uu dhageysto siyaasiyiinta ka biyo diidan qodobada heshiiska, tani waa inyar oo kamid ah farqiga dabacsanaanta siyaasadeed ee Xasan Sheekh iyo Farmaajo.

Xubno mucaaradka kamid ah ayaa waxaa la sheegay inay muujiyeen kalsooni ah in madaxweynaha bedeli karaan oo waxyaabaha qaar ka fujin karaa. Hal qodob dhamaan waa la isku raacsan yahay, kaas oo ah in aan loo laaban karin noocii doorasho ee ugu dambeysay.

Si kastaba, wuxuu shirku kusoo aadayaa, xilli xasaasi ah, isla-markaana dalka ay ka taagan tahay xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiska ay gaareen Golaha Wadatashihga Qaran, sidoo kalena dood u dhexeyso baarlamaanka iyo xukuumadda, waxaa kale oo magaalooyinka qaar ka jira xiisado, sida Gedo, Garoowe, Beledweyne iyo Laascaanood.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More