Dibadbaxyo rabshado wata oo ka socda magaalada Nairobi

July. 12 (Jowhar.com)-Booliska Kenya ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay dibad-baxayaal dhegaha ka furaystay mamnuucis ay booliska saareen mudaaharaadyo uu ku baaqay hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, oo ka dhan canshuur kordhin ay sameysya dowladda.

Dukaamada ayaa la xiray, islamarkaana ammaanka ayaa aad loo adkeeyey caasimadda Nairobi, halkaasi oo booliska la geeyey islamarkaana ay sunta dadka ka ilmeysiisa ku fureen dibad-baxayaal dhagxaan turayey, xaafadda isku raranta ee Mathere.

Sidoo kale sunta dadka ka ilmeysiisa ayaa loo adeegsaday in lagu kala eryo dibad-baxayaal isugu soo baxay magaalada Mombasa.

Toddobaadkii tegay, dibad-baxyo ka dhacay magaalooyin dhowr ah ayaa isu rogay rabshado, ayada oo lix qof lagu dilay, sida ay sheegeen wasaaradda arrimaha gudaha.

Dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyey booliska inay awood u adeegsadeen dibad-baxayaasha.

Kahor dibad-baxyada maanta, madaxa booliska dalka ayaa taageerayaasha mucaaradka uga digay inay qabtaan “dibad-baxyo sharci-darro ah,” isaga oo sheegay in abaabulayaasha aysan mas’uuliyiinta usoo gudbin wax “wargelin ah” oo ku saabsan dibad-baxyada la qorsheeyey.

“Sidaas darteed, wax dibad-bax ama isu imaatin ah lama ogola berri.Waxaa la adeegsan doonaa dhammaan hababka sharciga ah si loo kala eryo dibad-baxyada noocan ah,” ayuu Japhet Koome ku yiri bayaan uu soo saaray.

Isbaheysiga Azimio ee Odinga ayaa wacad ku maray inay toddobaad kasta dhigi doonaan dibad-baxyo ka dhan ah dowladda madaxweyne William Ruto.

“Dhaq-dhaqaaqyadeena waxaa ilaaliyey dastuurka oo damaanad qaadaya xuquuqda lagu dibadbaxo iyo isu-imaatinka,” waxaa sidaas AFP u sheegay Dennis Onyango oo ah afhayeenka Odinga.

Madaxweyne Ruto ayaa bishii tagtay saxiixay sharci canshuurta lagu kordhinayo, kaasi oo la rumeysan yahay inuu dakhli dheeri ah oo gaaraya $2.1 bilyan soo gelin doono dowladda.

Dowladda ayaa sheegtay in canshuurta cusub ay caawin doonto in la abuuro shaqooyin cusub, islamarkaana la yareeyo deynta ay qaadato dowladda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More