Madaxweyne Xasan oo gaaray Asmara iyo xogta kulamada uu la leeyahay Afwerki

Oct 08 (Jowhar.com)-Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goordhow ka degay magaalada Asmara ee dalka Eritrea. Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa ku soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo labadii bilood ee lasoo dhaafay dagaalada ka dhanka ah Shabaab ka hoggaaminaayay magaalada Dhuusamareeb ayaa howlaha dardar galinta dagaalka deegaanada Galmudug u xilsaaray madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor, sida lagu shaaciyay warkasoo baxay Madaxtooyada

Waa safarkii afaraad ee Madaxweyne Xasan Sheikh ku tago Eritrea tan iyo intii uu xukunka qabtay. Waxaa safarkiisa maanta ku wehliya Amb. Cumar Idiris oo lagu wado inuu noqdo Safiirkii u horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona Asmara.

Eritrea ayaa waxay tababartay in ka badan 5,000 oo askari oo Soomaali ah, kuwaas oo dalkaas ku sugnaa muddo ka badan laba sano.

Qaybtii ugu horreysay ee ciidankaas ayey dowladdu dalka dib ugu soo celisay bishii December 2022, hase yeeshee weli ma cadda haddii lasoo dhameystirayo ciidankaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More