Madaxweyne Xasan oo Wasiirka arrimaha dibadda BURUNDI kala shiray mustaqbalka howlgalla ATMIS

Apr. 24 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Burundi Mudane Albert Shingiro oo booqasho ku jooga dalkeenna.

Wasiirka ayaa soo gaarsiiyey Madaxweynaha farriin iyo salaan uu ka siday Madaxweynaha dalkiisa Mudane Évariste Ndayishimiye, iyadoo Dowladda Burundi ay hoosta ka xariiqday muhiimadda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay u leedahay Gobolka iyo Adduunka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in dalkiisu ay bogaadinayaan guulaha degdegga ah ee dowladda Soomaaliyeed ay ka gaartay dagaalka lagula jiro argagixisada Alshabaab, isagoo sheegay in dalkiisu ay garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kala hadlay Wasiirka xoojinta xiriirka Labada dal, waxa uuna xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay soo dhawaynayaan booqashadiisa, taas oo ka tarjumeysa hor u socodka dowladnimada Soomaaliyeed iyo dib u kabashada dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More