Madaxweyne Xasan Sheekh oo cafis u fidiyey 127 Maxbuus

Apr. 22 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis u fidiyay 127-maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee Ex-control Afgooye.
Maxaabiistan oo dambiyo fudfudud u xirnaa ayaa waxaa loo cafiyay Munaasabadda Ciidda awgeed.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa soo jeedin u sameeyay madaxweynaha JFS in cafis madaxweyne lagu sii daayo maxabiista ku xukuman dambiyada fudud ee ku xirnaa xabsiga Dhaxe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee KM7.

Waa markii ugu horeysay ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh cafis u fidiyo Maxaabiis tan iyo markii dib loogu doortay xilka madaxtinimada dalka bartamihii sanadkii hore.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More