Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay iyo Xamse oo baarlamanka la horgeynayo.

June 24 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayay oo ay kamid yihiin Taliyaha NISA Mahad Salaad iyo Agaasimaha madaxtooyada ayaa goordhow dalka dib ugu soo laabtay oo ka soo dagay garoonka Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga oo maalmihui la soo dhaafay ku sugnaa dalka Imaaraatka Carabta ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha dalka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid, Kulankaas oo lagu lafa guray hagaajinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, isu-socdka muwaadiniinta iyo bixinta dal ku galka.

Sida wararku sheegayaan, Madaxweynaha Imaaraadka waxa uu amray in Safaaraddooda magaalada Muqdisho ay dadka Soomaaliyeed si toos ah uga soo qaataan fiisaha, Sidoo kalena dhammaan caqabadaha kale ee jira waxay labada madaxweyne isku raaceen in la xalliyo oo guddiyo farsamo ay ka shaqeeyaan fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, bangiyada, maalgashiga iyo sharciyada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socdo kulamo la qaato gudoonka baarlamaanka iyo xildhibaanada, isagoo kala hadli doono sidii codka kalsoonida loo siin lahaa ra’iisul wasaaraha magacaaban Xamse Cabdi Barre oo wararka sheegayana in beri oo sabti ah la horgeyn doono.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More