Madxweyne Xasan Sheekh oo laga helay xanuunka Coronavirus

June 24 (Jowhar.com)-Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa xaqiijiyay in laga helay xanuunka Coronavirus, isagoo safar ugu maqnaa dalka isu tagga Imaaraadka Carabta. Natiijada baaritaanka ayaa maanta la shaaciyay marka Madaxweynuhu dalka dib ugu soo laabtay.

Dhowr jeer oo Madaxweyne Xasan Sheekh baaritaan lagu sameeyay ka hor iyo kaddib markii uu la kulmay Madaxweynaha Imaaraadka Carabta ayaa ugu dambeyn laga helay Coronavirus, iyadoo horay xubno ka tirsan wafdigiisa laga helay.

Xaaladda caafimaad ee Madaxwaynaha JFS ayaa ah mid fiican isaga oo aan dareemayn wax qandho ah iyo dhammaan calaamadaha xanuunka tan iyo markii laga helay COVID-19.

Madaxwaynaha ayaa si nabad ah maanta dalka ugu soo laabtay waxa uuna sii wadan doonaa howlihiisa shaqo ee uu ugu adeegayo qaranka isaga oo raaci doona tilmaamaha caafimaad ee COVID-19.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More