Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Dhuusa-mareeb iyo kulamo ka socda……

June 02 (Jowhar.com)-Wafdi balaaran uu hoggaaminayay madaxweynaha dib loo doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda Galmudug, halkaasoo ay uga bilaabatay booqasho dhowr maalin qaadan doonto.

Wafdiga madaxweyne Xasan oo la duulay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG-ka u ah Koofur Galbeed waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) Xubno kale oo kamid ah Maamulka galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan dowladda Federaalka & qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweyne Xasan ayaa la filayaa inuu kulamo kala duwan la qaato madaxda Galmudug, Saraakiisha ciidamada iyo Odayaasha dhaqanka oo uu kala hadli doono sidii ay labada dhinac u wada shaqeyn lahaayeen, xalna loogu heli lahaa caqabaha heysta maamulka Galmudug.

Galmudug ayaa caqabada ugu weyn ee haatan heysata waxa uu yahay Kooxda Ahlu-suna oo fariisin ku leh deegaanka Bohol, halkaasoo mararka qaar laga soo abaabulo duulaan ka dhan ah Dhuusa-mareeb, iyadoo arrimahaasi ay qeyb ka yihiin waxyaabaha ay doonayaan in wax lagala qabto madaxda Galmudug ee madaxweyne Xasan ay hordhigi doonaan.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More