Safiirka Midowga Yurub iyo madaweyne Muuse Biixi oo ka wada hadlay muranka doorashada.

June 02 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Midowga Yurub, Amb. Tiina Intelmann oo ay wehelinayeen Safiirka Sweden Amb. Per Lindgarde iyo Maria Groeneveld oo ka socotay Xafiiska Midowga Yurub ee Nairobi.

Muuse Biixi Cabdi ayaa wafdigan sare uga mahad celiyay socdaalkooda, isagoo warbixin dhameystiran ka siiyay shaqooyinka xukuumadiisa iyo mashaariicyo uu doonayo in Midowga Yurub ay ka fuliyaan deegaanada Somaliland.

Waxaana kulankaa sidoo kale lagaga wada hadlay doorashooyinka ku soo foolka leh Somaliland iyo Abaaraha ku soo wajahan Geeska Afrika, gaar ahaan Abaarta ku soo noq-noqotay Somaliland iyo sidii ay midowga Yurub gacan uga geysan lahaayeen mustaqbalka, sida lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyada.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xili maalmihii la soo dhaafay uu taagnaa muran salka ku haya xiliga la qabanayo doorashada madaxtinimo, xukuumada ayaa wado qorshe ay mudo kororsi ku sameysaneyso, halka xisbiyada mucaaradka ay wadaan abaabul ay uga soo horjeedaan arintaas, waxaana laga diiday dibadbax ay doonayeen iney dareenkooda ku muujiyaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More