Madaxweyne Xasan Sheekh oo heshiis hordhac ah la gaaray Cali Jeyte

Sep 06 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in heshiisyo hordhac ah ay wada gaareen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo beesha Xawaadle, wadahadalkan waxa uu maalmahan ka socday degmada Maxaas.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ilaa afar kulan oo ay isa soo horfariisteen labada dhinac kadib lagu heshiiyay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, wixii khilaafaad ah ee jirana dib looga wada hadlo.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cabdullaahi Macalllin (Ciid) oo ka tirsan golaha shacabka kana mid ah xubnaha ku sugan Maxaas ayaa sheegay in Cali jeyte loo xilsaaray hoggaaminta macwuusleyda Hiiraan, kuwaasoo qeyb ka noqonaya howlgalada Shabaab ka dhanka ah.

“Wixii la isku afgartay waa in wixii siyaasad ah dib loo dhigo, wixii la xiriira dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaabna uu hogaamiyo Cali jeyte isagoo toos u hoos tagaya madaxweynaha,” ayuu yiri xildhibaanka oo ka mid ah siyaasiyiinta kulamadaas ka qayb galay.

Waxa uu sheegay in Odayaasha beesha Xawaadle, Cali Jeyte iyo Ugaaska guud ee beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ay isku mowqif ka noqdeen inaan lala shaqeyn Hirshabelle, balse ay madaxweynaha kala qeyb qaataan dadaalada dalka kooxdaasi looga xoreynayo.

“Qodobka hore waa in aysan beesha aqoonsanayn, diyaarna u ahayn in ay la shaqayso maamulka Hirshabeelle, kan labaadna waa in uu madaxweynuhu aqoonsado maamulka Hiiraan state,” ayuu yiri Xildhibaan Ciid oo kulamadaas ka qayb galay.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cabdullaahi Macalllin (Ciid) ayaa dhinaca kale tilmaamay in ujeedkooda u weyn uu yahay sidii Hiiraan uu u noqon lahaa maamul gooni u taagan, lana raaco sidii uu Shariif Sheekh Axmed u ansixiyay in gobolkaasi laba look ala qeybiyo.

“Gobolka Hiiraan bedka uu ku fadhiyo iyo dadka ku nool wuu ka weyn yahay kana dad badan yahay maamul goboleedyo hadda jira, tan labaadna in madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu gobolka laba gobol ka dhigay xilligii uu madaxweynaha ahaa, waxaana gobolka kale la yiraahdaa Shabeellaha sare,” ayuu ku jawaabay xildhibaanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More