Xog: Shan sarkaal oo Gorgor ka tirsan oo loo xiray weerarkii Cowsweyne

Sep 06 (Jowhar.com)-Hay’adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay saraakiil ka tirsan ciidamadda xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Gorgor, iyagoo loo heysto iney mas’uul ka ahaayeen jabkii ciidamadda dowladda ku gaaray weerarkii Shabaab ay kula wareegeen deegaanka Cowsweyne ee gobolka Sh.dhexe.

Macluumaadka la helayo ayaa tilmaamaya in xarunta nabad sugida lagu xiray  taliyaha Ururka Sagaalad iyo taliyaha Ururka 7-aad ee ciidamada Gorgor, waxaa sidoo kale lala xiray Saddex taliye horin, waxaana ku socota baaritaano.

Arrimaha loo heysto saraakiishan waxaa qeyb ka ah iney askartii dagaalameysay ay hor carareen, ayna mas’uuliyad daro sameeyeen, taasoo soo dadjaisay in askar tiro badan Shabaabku ay halkaasi ku dilaan, gaadiid iyo hub fara bandanna ay furtaan.

Si kastaba, Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo shalay la hadlayay qaar kamid ah ciidamada xoogga dalka ee kusugan degmada Maxaas, ayaa sheegay in xalay iyo saakaba la xiray saraakiil ciidan, oo loo haysto dambiyo la xariira arrimaha ciidamada, gaar ahaana dagaalka lagula jiro kooxaha Argagixisada.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sheegay in maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo Shareecada la horgeynayo askartan, oo halkaas ay noqonayso halka lagu kala saarayo, isagoo sheegay in aysan dawladdu sida kooxaha argagixiso banaanada dadka ku tooganeyn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More