Madaxweyne Xasan Sheekh oo kumanaan ruux kula hadlay garoonka Stadium Muqdisho

Jul. 01 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo garoonka Muqdisho ee Kubadda Cagta kagala qeyb-galay kumannaan shacab ah, xuska sannad-guurada 63-aad ee xornimada iyo midnimada dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbada uu ka jeediyay garoonka kubbada Cagta Stadium Muqdisho ayaa ku tilmaamay Alshabaab inay yihiin isticmaar cusub oo shacabka u diiday inay noolaadaan.

“Dhaqaale kuuma ogola, Xorriyad kuuma ogola, in aad cibaadeysato kuuma ogola, Masaajiddii ayey duminayaan, culimadii dadka diinta bareysay ayey dilayaan, haldoorka bulshada ayey dilayaan. Waa nimanka shalay qaraxa ku burburiyey Masaajidkii Daaru-nicm. Nimanka noocaas ah bal maxay noo reebteen”.ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Dalkaan waa dhaqaaqay lama horistaagi kari xoriyad ayuu qaatay,dhaqaalaha inuu kordhiyo ayuu qaatay,jiilkiisa cusub inay waxbartaan ayuu u istaagay.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhawaan la dhamaystiri doono dastuurka Soomaaliyeed isagoo sheegay in sanado badan la dhamaystiri waayay dastuurka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in waalidiinta Soomaaliyeed ay heli doonaan carruurtooda waxbarasho lacag la’aan ah dowladuna ay qaadan doonto sanad walba macalimiin cusub oo tayo leh. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan dowladooda.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More