Shil gaari oo ay ku dhinteen 48 ruux oo ka dhacay Kenya

Jul. 01 (Jowhar.com)-Ugu yaraan 48 qof ayaa ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay isgooyska mashquulka badan ee dalka Kenya,kadib markii gaari xamuul ah oo siday konteenar shixnad uu lumiyay koontaroolka Isgoyska Londiani, oo u dhow magaalada galbeedka ku taal ee Kericho.

Taliyaha booliska Geoffrey Mayek ayaa sheegay in 30 kale ay si xun u dhaawacmeen balse waxa uu intaa ku daray in tiradu ay ka badan karto.

Tom Mboya Odero, oo ah taliye kale oo ka tirsan booliska gobolka, ayaa wakaaladda wararka ee AFP ka soo xigatay in gaariga xamuulka ah oo ku sii jeeday Kericho uu lumiyay koontaroolka oo uu ku jiiray siddeed baabuur, dhowr mooto, dad waddada hareeraheeda taagnaa, waratada, iyo dad kale oo halka uu shilku ka dhacay ku ganacsanayay. Goob joogayaal ayaa warbaahinta Kenya u sheegay in dareewalka uu isku dayay in uu ka fogaado bas.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday markii uu maqlay in qaar ka mid ah dadka dhintey ay ahaayeen dhalinyaro mustaqbal leh iyo dad ganacsato ah oo ku jiray howl maalmeedkooda.

“Waxaan ku boorineynaa wadayaasha baabuurta inay aad uga taxadaraan waddooyinka, gaar ahaan hadda oo aan ku jirno roobab xooggan,” ayuu ku yiri Mr Ruto qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Shilalka wadooyinku waa dhibaato caan ka ah Bariga Afrika, sababtoo ah waddooyinka ka baxsan magaalooyinka waaweyn ayaa inta badan ciriiri ah.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sanadkii hore boggeeda internetka ku sheegtay in guud ahaan qaaradda Afrika ay ka jirto dhimashada ugu badan ee dhimashada waddooyinka adduunka. Sannadkii hore 34 qof ayaa ku dhintay bartamaha Kenya ka dib markii uu baskoodu ka soo baxay buundada oo uu ku dhacay wabiga Nithi

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More