Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay ergayga cusub ee Qaramada Midoobay

June. 07 (Jowhar.com)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu u soo magacaabay dalkeenna Marwo Catriona Laing.

Madaxweyne Dr Xasan Sheekh iyo Danjire Catriona Laing ayaa ka wadahadlay dardargelinta howlaha muhiimka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay uu ka taageero dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa la wadaagay dadaallada dowladdu ku bixinayso dhinacyada la dagaallanka argagixisada, kobcinta dhaqaalaha, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay si wax looga qabto caqabadaha bini’aadannimo ee ka jira goobaha laga saaray argagixisada.

Dhankeeda, Ambasadoor Catriona Laing ayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelisay soo dhaweynta diirran ay kala kulantay, iyadoo bogaadisay guulaha laga gaaray dagaalka qawaarijta looga xoreynayo dalkeenna, waxa ayna tilmaantay in howlgalkeeda cusub uu xoogga saari-doono adkeynta wada-shaqeynta, sare u qaadidda taaageerada amniga, siyaasadda iyo gargaarka bini’aadannimo.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More