Wasiirada Maaliyadda DF iyo Maamul Goboleedyada oo heshiis cusub gaaray

June. 07 (Jowhar.com)-Waxa maanta la soo gebagabeeyay shir muddo 2 maalin ah uga socday magaalada Muqdisho, wasiirada maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa intii uu socday waxa lagu gorfeeyay arrimaha hannaanka Maaliyadda dalka, dakhliga gudaha, arrimaha Deyn Cafinta iyo qeybsiga Deeqaha Maaliyadeed ee Soomaaliya siiyo adduunku siiyo.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi oo xiritaanka shirka ka hadlay ayaa sheegay in shirkaan Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaal,Dowlad Goboleedyadda iyo Maamulka gobolka Banaadir diirada lagu saaray arrimaha Federaaleynta, maamul wanaagga iyo wadashaqeynta ka dhexeysa Wasaaradaha Hey’addaha Maaliyadda heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed.

Shirkaan ayaa inta uu socday sidoo kale looga hadlay arrimaha dib u habeynta Maaliyadda, horumarinta dhaqaalaha ,Mideynta Siyaasadda Canshuuraha dalka,mashaariicda horumarineed ee Bangjga Adduunka iyo Hey’addaha kale ee taageera Soomaaliya ay ka waddaan gudaha dalka.

Shirka ayaa waxa laga soo saaro War-murtiyeed ay si wadda jir ah u saxiixeen Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyadda iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

 

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More