Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ku wajahan dalka Turkiga.

July 03 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan dalka Turkiga, kadib casuumaad rasmi ah uu helay.

Madaxweyne Xasan oo socdaalkiisa dhowr cisho uu qaadan doono ayaa la kulmi doona madaxweynaha dowladda Turkiga Erdogan, iyagoo yeelan doona kulan ay uga wada hadlayaan xoojinta xiriirka labada dowladood iyo sidii Turkida ay mashaariicyo horumarineed uga fulin leheyd dalka, kaalin muuqatana ay uga qaadan leheyd gurmadka abaaraha daran ee ku dhuftay dalka.

Socdaalkan ayaa nooqnaya kii labaad uu dalka uga ambabaxayo madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo safarkan kii ka horeeyay uu dhawaan ku tagay dalka Imaaraatka Carabta oo uu ka dhigtay dalkii u horeeyay uu booqday kadib doorashadiisii 15-lii bishii May.

Madaxweynaha oo doonaya inuu ka dhabeeyo halheyskiisii ahaa “Soomaali Heshiis ah, Dunida heshiis la ah” ayaa sidoo kale dhawaan safaro ku tagi doono dalalka Kenya,Jabuuti iyi Eritrea, si uu u xoojiiyo cilaaqaadka dalka.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More