Safiirka Mareykanka oo beeniyay iney aqoonsi caalami ah u raadinayaan Somaliland.

July 03 (Jowhar.com)-Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre oo magaalada Minneapolis uga qeyb galay xuska todobaadka xoriyada ayaa ka hadlay dalab dhawaan uga yimid Somaliland oo ahaa in loo ixtiraamo gooni isku taaggooda ay ku doonayaan inay kaga go’aan Soomaali inteeda kale.

Amb.Larry Andre ayaa si cad u sheegay in siyaasadooda uga degsan Soomaaliya ay tahay hal dal oo ay ixtiraamayaan xuduudihii xiligii xoriyada, isagoo sheegay in Soomaalida ay dhexdooda u taalo iney go’aansadaan iney noqdaan laba dal iyo inkale.

“Siyaasaddeenu waa mid la mid ah 62-kii sannadood ee u dambeeyay, oo ah Soomaaliya taariikhi ah, xuduudaheeda taariikhiga ah, tan iyo markii ay isku biireen waxii loo aqoon jiray British Somaliland iyo Italian Somaliland oo ay hal dal wada dhisteen,” ayuu yiri safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.

Si kastaba, Somaliland ayaa ku dhawaqday iney ka go’day Soomaaliya inteeda kale sanadii 1991-dii ilaa iyo haatanse majiro dal aqoonsi caalami ah siiyay, waxaana loo aqoonsan yahay maamul goboleed ka tirsan dowladda Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More