Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga

Apr. 21 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ummadda Soomaaliyeed dowlad iyo shacabba ugu hambalyeeyay maalinta koobaad ee bisha Shawaal ee Ciidul Fidriga.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka uu Alle wax siiyay ugu baaqay in ay walaalahooda dan yarta ah la qaybsadaan farxadda Ciidul Fidriga lana wadaagaan damaashaadka maalintaasi.

Mudane , Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dalka ayaa si gaar ah uga dardaarmay in il gaar ah lagu eego walaalaha Soomaaliyeed kasoo barakacay abaaraha iyo musiibooyinka kale eek u duruufeysan magaalada Muqdisho.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More