Madaxweynihii hore ee Kenya Mwai Kibaki oo geeriyooday

April 22 (Jowhar.com) -Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay inuu geeriyooday Madaxweynihii hore ee dalkaasi Kenya Mwai Kibaki oo ahaa 90 sano jir.

Mwai Kibaki, oo soo noqday madaxweynihii saddexaad ee Kenya intii u dhaxaysay 2003 ilaa 2013, ayaa ku geeriyooday da’da 90, madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa Jimcihii sheegay.

Kibaki ayaa hore u soo noqday Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya intii u dhexeysay sanadkii 1978 illaa 1988 xilligii uu Madaxweynaha ka ahaa dalka Kenya Daniel arap Moi.

Kibaki ayaa lagu tiriyaa inuu dib u soo nooleeyay dhaqaalihii Kenya ee markaasi liicnaa, balse mudadii uu xilka hayay waxaa hareeyay rabshado lagu hoobtay oo ka dhashay doorashadii lagu murmay ee dib loogu doortay bishii December 2007-dii.

Madaxweynaha haatan talada haya ee Uhuru Kenyatta ayaa amar ku bixiyay in loo sameeyo baroor diiq lagu maamuusayo Kibaki, iyadoo inta lagu guda jiro la suray calanka dalkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More