Madaxweynihii hore ee Pakistan Pervez Musharaf oo geeriyooday

Feb. 05 (Jowhar.com)-Madaxweynihii hore ee Pakistan General Pervez Musharaf ayaa geeriyooday Magaalada Dubai ee wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Pakistan Pervez ayaa madaxweynaha dalka Pakistan intii u dhaxeysay 2001 illaa 2008 – ayaa ku geeriyooday magaalada Dubai isagoo in muddo xanuunsanaa.

Sanadkii 2008dii ayaa lagaga adkaaday doorashooyinkii, waxaanu dalka ka baxay lix bilood ka dib.
Markii uu soo laabtay 2013-kii si uu isku dayo in uu doorashada u tartamo, waa la xiray oo laga mamnuucay in uu istaago.

Waxaa lagu soo oogay qiyaano qaran waxaana lagu xukumay dil isagoo maqan oo kaliya in go’aanka la buriyay wax ka yar bil kadib.
Sannadkii 2016-kii ayuu Pakistan ka dhoofay isaga oo u ambabaxay magaalada Dubai si uu daawo u raadiyo, waxaana uu tan iyo xilligaas musaafuris ku ahaa dalkaas.

Musharaf ayaa ku dhintay cusbitaal subaxnimadii Axadda. Meydkiisa ayaa dib looga soo celin doonaa Imaaraadka Carabta iyadoo la geyn doono Pakistan duulimaad gaar ah ka dib markii qoyskiisa ay soo gudbiyeen codsi ah inuu sidaas sameeyo, sida uu ku warramay TV-ga maxalliga ah ee Geo News.

Madaxweynaha Pakistan Arif Alvi iyo Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa ka tacsiyeeyay, sidoo kale waxaa tacsi u diray madaxda ciidamada dalkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More