Magaalada Dhuusamareeb oo maanta lagu dooranayo labada kursi ee ka dhinayd Aqalka Sare .

Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta waxa ay ku dooranayaan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug labo kursi oo ka mid ah Aqalka Sare, kuwaasoo ah labada kursi ee ka dhiman Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Labadan kursi ayaa waxaa ku tartamaysa afar musharax iyadoo kursiga koowaad ay ku tartami doonaan Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid iyo Cawil Nuur Cali.

Kursiga 2-aad ayaa waxaa ku tartamaya Musharax Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahdi Aadan Guuleed.

Labadan kursi ayaa ahaa kuwii ugu dambeeyay ee ka harsanaa 54 kursi ee uu ka kooban yahay aqalka sare iyadoo horey loo dhameystiray doorashada 52 kursi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More