Magacyada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee maanta lagu doortay Baraawe

Waxaa magaalada Baraawe manta lagu qabtay doorashadii ugu horeysay ee golaha shacabka ee magaaladaasi lagu soo doorto iyadoo 7 xildhibaan ay ku soo baxeen doorashadan.

Inkastoo qalqal dhinaca ammaanka ah uu galay doorashada kadib markii shan xildhibaan la doortay oo madaafiic khasaare geystey ay ku soo dhaceen magaalada Baraawe ayaa haddana la dhamaystirey doorashada.

Xildhibaanada ku guuleystey kuraasta maanta ee lagu soo doortay magaalada Baraawe ayaa waxa ay kala yihiin;

1)- Hop#165 ayaa waxaa ku guuleystay Saalim Caliyow Ibroow
2)- Hop#161 Waxaa ku guuleystey Yuusuf Aadan Maxamed.
3)- Hop#044 Waxaa ku guuleysatay Maryan Maxamed Cali.
4)- Hop#016 Waxaa ku guuleystey Xuseen Cali Xaaji.
5)- Hop#152 Waxaa ku guuleystey Cabdullaahi Axmed Abshir.
6)- Hop#153 Waxaa ku guuleysatay Farxiyo Maxamed Cabdi.
7)- Hop#151 Waxaa ku guuleystey Cabdullaahi Xuseen Cali.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More