Mahad Salaad ” Doorasho sooma muuqato ee naftiina ha dayacinina”

Mar 30 (Jowhar.com) –Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah mudanayaasha dib ugu soo laabtay baarlamaanka 11-aad ayaa muujiyay walaac la xiriirta falal amni daro oo sida uu hadalka u dhigay laga maleegayo xafiiska madaxweyne Farmaajo.

Mahad Salaad ayaa sheegay iney jiro cabsi ku aadan in si lamid ah weeraradii todobaadkii hore ka kala dhacay Muqdisho iyo Beledweyn lasoo adeegsado, laguna beegsan karo dadka ka aragtida duwan hanaanka wax maamul ee madaxweynaha mudo xileedkiisa dhanaaday Farmaajo.

“Waxa sidoo kale la soo werinayaa in ay socdaan qorsheyaal lagu beegsanayo siyaasiinta qaar iyadoo la adeegsanayo gacmo kale sidii maalmo kahor ka dhacday Afisyoone iyo Beledweyne” ayaa lagu yiri qoraalka oo la soo dhigay barta Facebook.

Inkastoo Mahad Salaad uusan soo bandhigin wax cadeyma ah oo walaaciisa xaqiijin kara, hadana wuxuu carabka ku dhuftay in maalmihii la soo dhaafay isbedelo lagu sameynayay ciidamada iyo saraakiishii badbaado qaran ee sanadkii hore dagaalka looga soo horjeeday mudo kororsiga qeybta ka eheyd.

“Maalmihii la soo dhaafay Farmaajo wuxuu ka dhex waday ciidamada isbedelo lagu samaynayo taliyeyaasha hoose ciidamada qalabka sida. Ujeedada isbedelka ayaa ahayd in meesha laga saaro dhamaan taliyeyaashii ka aragtida duwanaa Farmaajo xiligii Badbaado Qaran” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxa uu sidoo kale shaaciyay ineysan muuqan wax ifafaala ah oo la xiriirta in dalka doorasho ay ka dhacdo, wuxuuna ku taliyay in qof kasta amaankiisa uu mas’uul ka noqdo, isagoo diray fariin culus oo ah in Shabaab la adeegsan karo si dhibaatooyin ay mucaaradka ugu geystaan.

“Farmaajo habeen kasta wuxuu arkaa saraakiil ciidan. Walina lama soo sheegin Xildhibaano uu arkay iyo wax ififaalo doorasho ah oo Villa Soomaaliya ka socda, xili Muqdisho ay ku suganyihiin in ka badan 200 Xildhibaan oo dhawaan la soo doortay, Doorasho sooma muuqato ee naftiina ha dayacinina” ayuu ahdalkiisa ku soo xiray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More