Machadka Cilmi Baarista iyo Horumarinta oo Muqdisho laga daahfuray

Mar 30 (Jowhar.com) – Machadka Cilmi Baarista iyo Horumarinta THE 7 INSTITUTE for Reseach and Development ayaa maanta si rasmi ah loogaga daahfuray caasimada dalka ee Muqdisho.

Waxaa machadkan THE 7 INSTITUTE for Reseach and Development diiradda lagu saari doona arrimaha Dhaqan-dhaqaale “Socio-economic” ee Soomaaliya, sida caafimaadka, waxbarashada, technolojiyadda iyo kuwo kale oo muhiim u ah bulshada.

Munaasabadii lagu daahfurayay Machadkan oo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka socotay dowlada Federalka ,Aqoonyahano iyo marti sharaf kale oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxaa ugu horeyntii ka hadlay Dr Salah Ali oo ah Agaasimaha Machadka the 7 Institute,waxana uu faafaahin ka bixiyay arrimaha loo asaasay machadka.

“Machadka waxa uu ka shaqayn doonaa Cilmi baarisyada quseeya arrimaha Dhaqaalaha, Ganacsiga, Caafimaadka iyo Waxbarashada.”ayuu yiri Dr Salah Ali Madaxa Machadkan.

Mas’uuliyiintii ka hadashay munaasabadii lagu daahfurayay machadkan ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka Maaliyadda xukuumada Federalka Proff Cabdulahi Sheekh Cali Qallocow waxana uu si weyn u soo dhaweeyay furista machadkan.

“Runtii waxa ay faa’ido weyn u tahay wadanka in machadkan laga furo dalka gaar ahaan xilligan oo ilbixnimada caalamka ay gaartay meel sare waxaan rajeynayaa in uu machadku qeyb weyn ka qaadan doono horumarka dalka.”ayuu yiri Proff Qaloocow.

Machadka Cilmi Baarista THE 7 INSTITUTE for Reseach and Development The 7 Institute ayaa la filayaa inuu qeyb weyn ka qaato xalinta mashaakilaadka dhaqaale ee Soomaaliya, isla markaana uu soo bandhigo xalal rasmi ah oo lagu kalsoonaan karo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More