Maleeshiyo Mucaarad ku ah dowlada Moscow oo sheegtay inay qabteen askar Ruush ah

Jun. 04 (Jowhar.com) Dagaalyahannada mucaaradka ku ah xukuumadda Moscow ayaa sheegay in ay qabteen qaar ka mid ah askarta Ruushka ee ku sugan Belgorod, oo u dhow xadka Ukraine.Maleeshiyaadkan ayaa sheegay in ay askartan u gacan gelin doonaan ciidamada Ukraine.

Ruushka ayaa Ukraine ku eedeeyay weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay xuduuda ay wadaagaan.Balse xukuumada Kyiv wuu diiday inuu si toos ah ugu lug leeyahay.
Ciidamada Ruushka ayaa sheegay in madaafiic ay ku garaaceen koox argagixiso ah meel u dhow tuulada Novaya Tavolzhanka, iyaga oo intaa ku daray cadowgu wuu kala firdhiyey oo dib u gurtay.

Goor sii horreysay, koox dabley ah ayaa farriin ku soo saartay barnaamijka Telegram-ka, iyagoo ku soo bandhigey labo ruux oo ay qabteen, laakiin ay ku wareejin doonaan haddii guddoomiyaha Belgorod Vyacheslav Gladkov uu oggolaado wadahadal.

Fariinta waxaa soo dhejiyay Liberty of Russia Legion (FRL) waxaana lagu tilmaamay inay tahay bayaan wadajir ah oo ay la leeyihiin kooxda is abaabushay ee Ruushka (RDK).
Mr Gladkov ayaa ku jawaabay muuqaalkiisa Telegram-ka, isagoo sheegay inuu aqbalay wadahadallada haddii askarta la tuso inay weli nool yihiin – isagoo intaas ku daray inuu u malaynayo inay u badan tahay in la dilay.

Kadib, RDK ayaa soo dhejiyay muuqaal dheeri ah – markan u muuqda inuu muujinayo maxaabiis badan, taas oo ay ku sheegeen in Mr Gladkov uu ku guuldareystay inuu soo xaadiro kulanka.
Waa kuwee dagaalyahannada ka soo galaya Ruushka dalka Ukraine?

Labada kooxood ayaa doonaya inay xukunka ka tuuraan madaxweyne Vladimir Putin, waxayna sidoo kale ka soo horjeedaan duulaanka buuxa ee Ukraine oo uu bilaabay bishii Febraayo ee sanadkii hore.

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in labadan urur ee milatariga ah ay ka kooban yihiin muwaadiniin Ruush ah oo doonaya inay aag ammaan u sameeyaan dadka reer Ukraine.
RDK waxa ay caan ku noqdeen bishii March duulaanka xuduudka ee gobolka Bryansk ee Ruushka. Hogaamiyeheedu waa wadani Ruush ah oo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay neo-Nazis.
FRL waxaa loo arkaa nooc ka duwan ururo ka barbar dagaalama ciidamada Yukreeniyaan ee ka dhanka ah ciidamada Ruushka.

Waxaa ka dhacay weeraro is daba joog ah Belgorod dhawaan,waxaana ka mid ahaa duullaan weyn oo dhanka xuduuda ah dabayaaqadii bishii hore kaas oo Moscow ay sheegtay in lagu dilay 70 ka mid ah fallaagada.Kyiv ayaa beenisay in ay si toos ah ugu lug leedahay weeraradan.

Balse waxa ay ku tilmaantay rabshadaha sii kordhaya ee ka socda dhulka Ruushka in ay yihiin cawaaqib xumadii ka dhalatay duulaankii Ruushka ee sanadkii hore.
Xigasho;BBC

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More