Gudoomiyayaasha baarlamaanada Soomaaliya iyo Sucuudiga oo wadahadal ku yeeshay Riyaadh

Jun. 05 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa magaalada Riyaadh ee dalka Boqortooyadda Sucuudi Carabiya kula kulmay dhigiisa dalkaas Mudane Dr. Cabdullahi binu Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh.

Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo dhigiisa dalka Sucuudiga ayaa kawada hadlay xiriirka labada Baarlamaan ee Soomaaliya & Sacuudiga.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska Aadan Madoobe, labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada Wadan.

kulankan Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Ku-xigeenka Golaha Shuurada iyo Xildhibaanno katirsan labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sucuudiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More