Shirweynaha Xakameynta wararka Been Abuurka oo maalintii 2aad galay

Jun. 04 (Jowhar.com) Shirweynaha xakameynta faafinta wararka been Abuurka iyo saameynta bulshada ay ku leeyihiin oo ayaa Muqdisho ka socda maalinkii labaad.

Shirkaan ayaa shalay waxaa daahfuray Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre,iyadoo diirada lagu saarayo sidii loo xakameyn lahaa wararka been abuurka oo sameeyn ku leh Bulshada iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Waxaa maanta lagu wadaa in shirkaa looga doodo arrimo ay kamid yihiin saamaynta wararka been abuurka ahi bulshada ku leeyihiin iyo siday khatarta ugu yihiin deganaanshiiyaha dalka Soomaaliya.

Kulanka maanta ayaa waxaa ka hadlay saxafiyiin iyo aqoonyahano kala duwan iyagoo ka hadlay dhibaatada wararka been abuurka ah u leeyihiin bulshada iyo sida loogaga hortagi karo.
Wasiir Warfaafinta Daauud Aweys oo kulankan maanta ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ansixiyo sharciga saxaafada,isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan loo sameyn doono guddiga madaxa banaan ee Warfaafinta.

Yuusuf Garaad Cumar Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibbada oo ah saxafi ruug cadaa ah oo kulanka ka hadlay maanta ayaa ku nuuxnuuxsaday in la tilmaamo idaacadii ama warbaahintii been si joogta ah u baahisa,Warbaahintii aan qalad gelin in abaalmarin la siiyo,waxana uu sheegay in la hubiyo wararka ayna jiraan weriyayaa hubiya wararka kuwa saxda ah ama kuwa beenta ah.

Yuusuf Garaad Cumar ayaa ku taliyay in loo baahanyahay in xogta la iska hubiyo ka hor inta aan Bulshada lala wadaagin.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo maanta ka qeybgalay kulanka ayaa ka hadalay Baraha Bulshada waxana uu sheegay in dadka furta ay u furtaan dhaqaale balse loo baahan yahay in laga hortago.

Waxa uu tusaale u soo qaatay Xildhibaan Cabdiraxman Cabdishakuur in shacabka ay aaminaan warbaahinada qaarkood isagoo tusaale u soo qaatay in shacabka bbcda iyo sidoo kale jowhar.com.
ku hayaan sheegay in loo baahanyahay in dhalinyarada ka shaqeysa wararka been abuurka ah in shaqo abuur loo sameeyo si loo xakameeyo.

Abuukar Al-Badri oo ka hadlay kulankan ayaa ku taliyay in la kala garto Warbaahinta Caadiga iyo Baraha Bulshada oo ah kuwa kala duwan “Baraha Bulshada waa jid caadi ah oo qof walba soo maro,warbaahintana waxa ay tahay meel maamul leh iyo mas’uuliyadeeda meel loogu hagago leh.’ayuu yiri Abuukar Badri.

Abuukar Badri ayaa ku taliyay in sharciga baraha Bulshada dalka loo sameeyo si loo xadido dadka faafinaya wararka beenta ah.

Weriye CabdirizaqCatoosh ayaa ka sheegay kulanka maanta in Bulshada looga baahanyahay iney kala bartaan qofka beenta u gudbinayo iyo kan sida saxda ah ugu waramaya.

Shirka ayaa lagu wadaa in maanta la soo gabagabeeyo,oo war murtiyeed laga soo saaro.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More