Maraykanka iyo Ingiriiska oo soo dhaweeyay Ka Laabashada Muddo Kororsiga

Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay tallaabadii ay maanta Madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka uga laabteen muddo kororsiga.

Sidoo kale waxay soo dhoweeyeen doorka Ra’iisul Wasaaraha ka qaadanayo hirgelinta doorashada in sida ugu dhaqsiyaha badan lagy qabto

Qoraal kooban oo ka soo baxay safaarada Maraykanka ayaa lagu qoray;

“Waxaan sidoo kale soo dhawaynaynaa in Ra’’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble uu qaato Doorkiisa hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya, oo ay tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto,”.

Dhinaca kale, Wakiilka Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay go’aanka Golaha Shacabka ee ka laabashadii muddo kordhinta iyo ku dhawaaqida Madaxweyne Farmaajo, isagoo sheegay in hadda aanay wax shuruud ah, qas iyo fowdo aanay dhicin.

Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay Ra’iisul Wasaare Rooble inuu ku tiirsanaado taageerada wax ku oolka ah ee dhammaan madaxweynayaasha FMS iyo saamileyda siyaasadeed ee geeddi-socodka ay Soomaalidu hoggaamineyso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More