Shariif Sheekh oo la kulmay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa la kulmay Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Cali Xuseen Gudlaawe.

Kulankan ayaa loogaga hadlay xaaladihii u dambeeyay ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo waji cusub galay maanta kadib markii maanta uu Maxamed Cabdulaahi Farmaajo madaxweynaha xilligiisu dhamaaday uu ku wareejiyay qabashada doorashada.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble isla markaana ay dib uga laabteen golaha shacabka muddo kordhintii ay sameeyeen bartamihii bishii la soo dhaafay.

Midowga Musharaxiinta oo uu guddoomiyaha u yahay Shariif Sheekh Axmed ayaa la filayaa in ay dhowaan war rasmi ah ka soo saaraan isbedelka ku yimid arrimaha doorashada dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More