Maraykanka oo ku baaqay in heshiis deg-deg ah laga gaaro doorashooyinka

Qoraal ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa loogu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada dalka kajira inay ka wada hadlaan si deg-deg ahna xal looga gaaro arrimaha doorashooyinka.

Qoraal kooban oo la soo dhigay Barta twitter-ka Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in waqtiga uu yahay mid socda, isla markaana loo baahan yahay in saamileysa siyaasadeed ee ka heshiiyaan doorashada.

“Waqtigu wuu socdaa. Waxaan ka codsaneynaa madaxda DFS iyo dowlad Goboleedyada in ay hada kulmaan, wax sax ahna u qabtaan dadka Soomaaliya, oo ay dhameystiraan doorashada ayaa lagu yiri” Qoraalka Mareykanka.

Beesha Caalamka ayaa Madaxda Dowladda Soomaaliya & Dowlad goboleedyada cadaadis ku saareysa sidii xal looga gaari lahaa muranka doorashada loona qaban lahaa doorasho loo dhan yahay.
Waxana qoraalkan uu ku soo beegmayaa xilli uu Madaxweyne Farmaajo markale ku baaqay shir ka dhaca Muqdisho 4ta bishan,iyadoo uu jiro weli diidmada ay Maamulada Jubbaland iyo Puntland ay diidan yihiin ka soo qeybgalka shirka Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More