Maraykanka oo ugu deeqaya $800 oo Maliyan oo Dollar dowlada Ukraine

June 30 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in Maraykanku uu $800 oo milyan oo kale oo hub ah iyo gargaar milateri siin doono Ukraine, isagoo ammaanay geesinimada reer Ukraine tan iyo markii uu Ruushku soo duulay bishii February.

Isagoo ka hadlayay shir madaxeedkii NATO ayuu sheegay Biden in Maraykanka iyo xulafadiisa NATO ay ka midaysan yihiin inay is hortaagaan madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

“Ma garanayo sida ay ku dhammaan doonto, balse kuma dhammaan doonto in Ruushka uu ka adkaado Ukraine,” ayuu Biden ku sheegay shir jaraa’id. “Ukrayn waxay mar horeba dharbaaxo daran ku dhufatay Ruushka.”

Biden, oo u muuqday inuu xulafada u diyaarinayay colaad dheer oo Ukraine ka dhacda ayaa waxa uu sii raaciyay:
“Waxaan dooneynaa inaan taageerno Ukraine inta ay qaadaneyso.” Waxa uu ka gaabsaday inuu tafaasiil dheeri ah bixiyo.

Jow Biden ayaa horey u ballan qaaday ciidamo Mareykan ah oo dheeri ah, diyaarado dagaal iyo maraakiib dagaal oo Yurub ah iyadoo NATO ay ogolaatay inay xoojiso ka hortaggeeda, taasoo heegan sare galisay in ka badan 300,000 oo askari laga bilaabo bartamaha sanadka soo socda.

Waxa uu qorsheynayaa gargaar cusub, iyada oo NATO ay mar kale dib u soo celinayso dagaalka qaboobaha iyada oo la dhisayo ciidamo aad u badan, waxaana uu kulanka ay yeesheen NATO uu ku soo beegmay markii ciidamada Yukreen ay adeegsadeen madaafiicda culus ee loo yaqaan Howitzers kuwaasoo ay ugu deeqday dowlada Jarmalka waxaana u suurtogashay in ay dib u soo ceshadaan goobta istiraatiijiga ah ee Jasiiradda Snake.

Hase yeeshee Ruushka ayaa sheegay in ay go’aansadeen in ay ka baxaan jasiirada si ay u muujiyaan niyad wanaag, oo aysan caqabad ku noqon dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu furayo marin bini’aadanimo oo u oggolaanaya in miraha laga soo saaro Ukrian dibadda loo iib geeyo.

Ukrain ayaa sheegtay in ay ka saartay ciidamada Ruushka ka dib markii ay weerar madaafiic iyo gantaallo ah ku qaadeen habeen hore.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More