Maraykanka oo xadidaya duqeymaha diyaaradaha Drone ee Caalamka

Maraykanka ayaa si ku meel gaar ah “u xadiday” duqeymaha diyaaradihiisa uusan duuliyaha saarnayn ee Drones-ka ay ka fuliyaan dalalka ka baxsan Afghanistan, Suuriya iyo Ciraaq, sida uu qoray wargeyska Washington Post.

Ujeedada go’aankaas ayaa lagu sheegay in looga gol leeyahay dib u eegis lagu sameeyo madax bannaanida la siiyay militariga iyo sirdoonka Maraykanka ee ku hawlan la dagaallanka argagixisada.

Washington ayaa 20-kii sano ee la soo dhaafay, duqeymaha drones-ka u adeegsaneysay bartilmaameedsiga mintidiinta Islaamka, gaar ahaan Al-Qaacida iyo Daacish.

Sida uu sheegay wargeyska, xayiraadda cusub ee uu soo rogay maamulka Biden ayaa ka dhigan in saraakiisha Maraykanka ay oggolaansho ka helaan Aqalka Cad ka hor inta aanay dilin ama qaban dadka ay beegsanayaan.

Maamulkii Trump ayaa saraakiisha militeriga iyo kuwa CIA-da u oggolaa in oggolaanshaha noocaas ah ay ka qaataan safiirka Maraykanka u fadhiya dalka hawlgalka laga fulinayo.

Afhayeen u hadashay Golaha Ammaanka Qaran ee Maraykanka, Emily Horne, ayaa sheegtay in u jeedada lagu xadiday duqeymaha Drones-ka ay tahay in Madaxweyne Biden uu si dhaw ula socdo hawlgalladaas, sida uu sheegay wargeyska.

Siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa dhaliilay go’aanka Biden, iyagoo ku tilmaamay mid “fursad siinaya cadowgeena.”

Xildhibaannada kala ah Mike D. Rogers iyo Michael McCaul ayaa ku tilmaamay go’aanka mid khatar ku ah Maraykanka, sida uu qoray wargeyska Washington Post.

“Inta ay saraakiisheenu sugayaan oggolaansho ay ka helaan Washington, waxaa baxsan kara argagixisada, kuwaas oo ka dibna soo weerarri kara Maraykanka iyo xulafadiisa.”

Maamulkii Trump ayaa in ka badan 160 duqeyn ka fuliyay dalalka Soomaaliya iyo Yemen, sida lagu sheegay wargeyska Long War Journal.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bilaabay inuu wax ka beddelo qaar ka mid a siyaasadihii ugu waaweynaa Donald Trump, saacado ka dib markii la dhaariyay.

Intii uusan xilka ka degin, Trump ayaa amray in ciidamada Maraykanka laga saaro Soomaaliya, taas oo walaac badan ku dhalisay madaxda Federaalka.

Ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa Soomaaliya waxay wadashaqeyn la lahaayeen kuwa AMISOM ee ka socda Midowga Afrika, Soomaaliyana ku tagay qaraar kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Bishii Abriil ee sanadkii lasoo dhaafay ayuu madaxweyne Donald Trump saxiixay wareegto uu ku kordhinayay xilliga ay ciidamada Mareykanka howlgallada gaarka ah u joogayaan Soomaaliya, isagoo ku daray hal sano oo kale.

Hase yeeshee, iyadoo laga yaabo in muddo kordhintaas ay ahayd tii ugu dambeysay, haddana saraakiisha difaaca ee Mareykanka waxay sheegeen howlgalka Soomaaliya uu qaadan karo sannado kale.

In ka badan saddex sano ayey koox Mareykan ah oo howlgal khaas ah loogu talagalay ku suganaayeen Soomaaliya. Shaqada ugu badan ee ay hayaan waa inay dowladda Soomaaliya ka caawiyaan arrimo ay ka mid yihiin:

Saraakiisha milatariga ee Mareykanka ayaa asaasay ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaanno Danab, kuwaasi oo ay tiradooda kor u dhaafeyso 3,000 askari.

Waxyaabaha kale ee ay milateriga Mareykanka ka sameeyaan Soomaaliya waxaa ka mid ah duqeymaha loo adeegsado diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee drones-ka, kuwaasoo lagu bartilmaameedsado saldhigyada iyo dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab.

Faragalinta milateriga Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo billaabatay sanadkii 2007-kii, markaasoo duqeymo ay fulisay diyaaradda nooceedu yahay AC-130 lagu dilay dad ay rayid ka mid yihiin.

Sanadkii 2019-kii ayey ciidamada Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen duqeymihii ugu badnaa abid, oo gaarayay ilaa 60 weerar oo xagga cirka ah.

Weerarradaas oo la kala fuliyay bilihii Janaayo, Febraayo, Maarso, Abriil, Luulyo, Agosto, Oktoobar, Nofeembar iyo Diseembar ayaa lagu dilay in ka badan 200 oo ka tirsan xubnaha Al-Shabaab iyo dad shacab ahba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More