Mareykanka oo $10 Milyan dul dhigay madaxa oggamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye

Sep 09 (Jowhar.com)-Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay abaalmarin lacageed oo gaareysa 10 milyan oo dollar oo la siinayo cidii soo sheegta halka uu ku sugan yahay Axmed Diiriye oo sidoo kale loo yaqaan Axmed Cumar iyo Abuu Cubeyda oo ah hoggaamiyaha ugu sareeya kooxda Al-Shabaab ee hoostagta shabakada Al-Qaacida.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan Abaalmarinta Caddaaladda ayaa war-saxaafadeedka ay soo saartay ku sheegtay in Abuu Cubeyda uu hadda yahay hoggaamiyaha Al-shabaab, xilkaas oo uu qabtay kaddib geeridii hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane.

Mareykanka ayaa hogaamiyaha Al-Shabaab la xiriiriyay weeraro ka dhacay gobolka Bariga Afrika oo ay Kenya ku jirto.

“Inta uu hoggaaminaayo, argagixisada AS waxay ka fuliyeen Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Jabuuti weeraro ay ku dhinteen boqollaal qof,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Ka hor inta aan la bedelin Godane, ayuu Mareykanku sheegay in Abuu Cubeyda uu kasoo shaqeeyay dhowr jagooyin Al-shabaab ah, sida kaaliyaha Godane, guddoomiye ku xigeenkii gobolka Jubbada Hoose ee 2008-dii, iyo guddoomiyihii Al-shabaab ee gobollada Bay iyo Bakool 2009kii.

Sannadkii 2013-kii, waxa uu la taliye sare u ahaa Godane, wuxuuna ka soo shaqeeyay “Waaxda Arrimaha Gudaha” ee al-Shabaab, halkaas oo uu kormeeray dhaq-dhaqaaqa gudaha ee kooxda.

Abriil 21, 2015, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Abu Cubaydah ku dartay liiska argagixisada ee aadka loo doon doonayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More