Mareykanka oo soo saaray halis ka dhan ah dowlad deegaanka oo Shabaab soo wado.

August 02 (Jowhar.com)-Taliyaha xilka ka tagaya ee Taliska Mareykanka ee Afrika, Jeneral Stephen Townsend ayaa hortagay waaxda difaaca Maraykanka, isagoo warbixin ka siiyay weeraradii u danbeeyay Shabaab ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxa uu sheegay in kooxdan ay abaabulayaan bilaha soo socda qorshe ay mar kale weeraro uga geysanayaan gudaha Itoobiya, wuxuuna tilmaamay in muhiim ay tahay in laga feejignaado duulaanadaasi cusub.

Kooxda Shabaab ayaa bishii dhamaatay ee July ilaa saddex jeer weeraro ka geysatay dowlad deegaanka, waxaana dagaaladaasi ku naf waayay inkabadan 300 qof oo dhinacyadii dagaalamay iyo Shacab isugu jiray.

Ilaa 500 oo dagaalyahano ah oo ka tirsan Al-Shabaab, ayaa la sheegay iney gudaha u galeen Itoobiya ilaa 150 kiiloomitir ka hor inta aan la joojin, waxaa jirta tuhuno la xiriira in xubno Shabaab ah ay wali gudaha Itoobiya ku dhuumaaleysanayaan.

Kooxda Shabaab ee xiriirka la leh ururka Al-Qaacida ayaa Soomaaliya dagaalo ka wada mido kudhow 15 sano, dagaalamayaasheeda waxaa lagu qiyaasaa iney u dhexeeyaan 7,000 ilaa 12,000 oo dagaalame, waxayna ku kharash garaysaa 24 milyan oo dollar sannadkiiba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More