Marti sharaf gaartay Jabuuti ka hor xaflada caleema saarka

Hogaamiyaasha ayaa bilaabay imaanshahooda Jabuuti, ka hor caleema saarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo dhici doonta maalinta Sabtida.

Raiiselwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Raysalwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kamid ah marti sharaf horeyba u tagaay magalada Jabuuti.

Édouard Ngirente, Raysalwasaaraha Rwanda ayaa sidoo kale xaflada caleema saarka ku matali doona Madaxweyne Paul Kagame.

Dowladda Jabuuti ayaa 10-kii Abriil ku dhawaaqday in Madaxweynaha muddada dheer Ismaaciil Cumar Geelle uu haddana mar kale ku guuleystay doorashada si aqlabiyad leh, taasoo keentay inuu markii shanaad helo, iyadoo u cuskatay natiijooyin ku-meel-gaar ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Muumin Axmed Sheekh ayaa u sheegay wariyeyaasha in Geelle uu helay in ka badan 98% codadka 177,391 ee laga dhiibtay wadanka yar ee ku yaala geeska Afrika, isagoo ka adkaaday ninka kaliya ee la tartamayay, ganacsade Zakaria Ismail Farah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More