Mas’uul ka tirsan maamulka Sh.Hoose oo lagu dilay degmada Afgooye.

Dec. 18 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar rag ku hubeysan bistoolado xalay ay ka geysteen degmada Afgooye ee gobolka Sh.Hoose.

Weerarkan waxaa lagu dilay Maxamed Xaaji Xasan oo ahaa guddoomiyaha dhalinyarada degmada iyo sidoo kale guddoomiyaha waaxeedka Xaawo Taako ee Afgooye.

Dilka oo ay geysteen saddex dhalinyara ah oo hubeysan ayaa weerarka kadib goobta isaga baxsatay, iyadoo ciidamadda amniga ay ku fashilmeen soo qabashada danbiilayaasha.

Gudoomiyaha degmada Afgooye C/llaahi Maxamed Cismaan oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ka tacsiyaeeeyay dilka Maxamed Xaaji, isagoo ku sifeeyay inuu ahaa nin dhalinyara ah oo fir fircoon.

“Inaa lillahi wainnaa ileyhi raajicuun. ASWT Hau naxriisto Wllkeen Maxamed oo xubin muhiim ah u ahaa Maamulka Degmada. Waxaa uu ahaa nin Dhalinyar oo howlkar ah hoggaana u ahaa dhallinyarada degmada waxaan Ilaahey u weydiinayaa inuu ka Waraabiyo Janatul Fardowsa. anagana samir iyo Iimaan naga siiyo” ayuu yiri Guddoomiye Cabdullaahi

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More