Mas’uuliyiin hore oo lagu amray inay dib u soo celiyaan gaadiid ay dowladu leedahay

Oct 10 (Jowhar.com)-Xafiiska Hantidhowrka guud ee Qaranka ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku amray illaa 18 ruux oo gacanta ku haya gaadiid dowladeed inay dib u soo celiyaan.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Hantidhowraha guud ee Qaranka ayaa lagu shaaciyay magacyada 18 masuul hore, kuwaa oon dowladda kusoo celin gaadiidkii la siiyay intii xilalka hayeen.

Xafiiska Hantidhowrka ayaa u qabtay muddo 15 cisho dhammaan shaqsiyaadka uu magacyadooda soo bandhigey inay dib ugu soo celiyaan gaadiidka ay gacanta ku ahayaan hay’adihii ay hore uga howlgali jireen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More