Maxkamada ciidamada oo xukun ku ridey ajaaniib ka tirsanaa Alshabaab

Makamada darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa min 15-Sano oo Xabsi ciidan ah ku xukuntay, Daren Antonia Brnes oo u dhashay dalka Ingiriiska iyo Axmed Mustaqiim Cali oo kasoo jeeda wadanka  Malaysia .

labadaan nin ayaa sida ay Maxkamaddu sheegtay loo heystaa kamid ahaansha kooxda ka dagaalanta Soomaaliya, iyagoo sifo sharci-darro ah dalka kusoo galay.

Labada nin oo uu kala dhashay waddamada Britan iyo Malaysia ayaa la sheegay inay ka qeybgaleen dagaallo maagaalooyin kala duwan ay ku gashay kooxda Al-shabaab, waxayna muddo sanad ah ku xirnaayeen magaalada Muqdisho.

Axmed Mustaqiim iyo Darren Anthony 18-kii bishii April 2019 ayey u gacan galeen maamulka Punland iyadoo dhowr bil ka dib labada Ajaanibta ah loo soo wareejiyay dowladda dhexe Soomaaliya.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More