Meydka Aamina oo salaada Janaazada lagula tukaday Garoonka Diyaaradaha Aden Cade

Mar 24 (Jowhar.com) -Meydka allaha u naxarisitee Marxuumad Aamino Maxamed Cabdi oo la keenay magaalada Muqdisho ayaa waxaa Salaada janaazada lagula tukaday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho,

Allaha u naxariistee marxuumad Aamina Maxamed ayaa ku geeriyootay qarax ismiidaamin ahaa oo xalay lagula beegsaday magaalada Baladweyne, waxaana maanta aas qaran llogu sameeyay Magaalada Muqdisho.

Salaadda Janaazada ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ,madaxweynayaashii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud,Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo mas’uuliyiin kale.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More