Doorashada Kursiga HOP011 oo goor dhow ka bilaabatay Beledweyne

Mar 24 (Jowhar.com)-Doorashada kursiga HOP#011 oo ay ku tartamayaan labo musharax ayaa goor dhow ka bilaabatay magaalada Beledweyne.

Musharraxiinta Kursiga HOP#011 iyo Ergada ayaa dhammaantood xirtay maro gaduudan, Si dareen tacsi iyo tiiraanyo ah loogu muujiyo dadkii ku geeriyooday qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Beledweyne.

Doorashada kursigaan ayaa hadda ka billaabatay magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan, Waxaana ku tartamaya C/risaaq Cumar Maxamed iyo Maxamed Cumar Barrow .

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More